maxaad ka ogtahay biyo xireenka faanoole
mashruuca biyo xireenka faanoole ee soomaaliya waxa uu ahaa mid ka mid ah mashaariicdii laga fuliyey Somaaliya kadib xornimadii 1960-kii.
fikirka mashruucaan biyo xireenka ah waxaa lahaa madaxweynihii hore ee Somalia Abdirashid Ali Sharmake.
Dowladii Soomaaliya ayaa Midowga Soofiyeetka(Ruushka) kula heshiisay in uu biyo-xireen weyn uga dhiso deegaanka Faanoole ee Jilib (Jubbada Dhexe) sannadka markuu ahaa 1974-tii.

Faanoole waxa ay ku taallaa goob qiyaastii 22 km waqooyiga kaga began magaalada Jilib ee gobalka jubbada dhexe.
Marka ay Soomaali ya qaadatay nidaamkii Hantiwadaaga shuuciyada sannadkii 1970 kalsoonidii Midowga Soofyeeti waa uu kobcay Waxa ayna ku dhawaaqeen inay Soomaaliya u dhisayaan Biyo-xireen weyn oo koronto badan dhalin kara, biyo badana kaydin kara iyo sido kale waraabin kara dhul-beereed aad u ballaaran.
Waxaa waqti badan qaadatey helidda maalgalin dhaqaale, quburo aqoon sare u leh dhismaha biyo xireenada iyo caqabado kale oo saameeyay fulitanka mashruucaan, sida Somalia oo gashey marxalado siyaasadeed ayadoo ay dalka la wareegeen militariga sanadkii 1969 iyo dagaalkii ba’naa ee ay Somaliya la gashay dowlada Ethiyobiya sanadkii 1977 dii. Dhamman Arimahaas oo is biirsadey ayaa ka dhigay in mashruucaan uu dabo dheeraado oo uu qaato waqti badan ilaa ay kaga baxday oraahda caanka noqotey ee “Faanoole Fari Kama Qodno”.
Dowladii kacaanka ee uu hogaaminayay madaxweyne Mohamed Siad Barre ee dalka la wareegtey sanadkii 1969 ayaa qaadatey nidaamka shuuciyada ee ku saleysan hantiwadaaga ayadoo xariir wanaagsan la yeelatay dowladii midowga suufiyeetka (USSR).
Waxaa sii socday fikirka mashruuca biyo xireenka Faanoole oo sanadkii 1974 toos u bilowday. Dhismaha iyo habsami u socodka mashruucan biyo xereenka Faanoole waxaa saameyn ku yeeshay dagaalkii ay Somalia lagashey Ethiyoobiya sanadkii 1977. Waxaa xumaadey xiriirka dowladii Somaliya iyo midowgii soofiyeetka (USSR) ayadoo dalka laga saaray midowga suufiyeetka oo ugu dambeyn Ethiopia soo garab istaagay. Taasina waxa Waay keentey inuu halkaas ku istaagey dhismihii biyo xireenka Faanoole.
Somalia ayaa heshiis kula gashay dowlada Shiinaha in ay la wareegto mashruuca biyo xereenka faanoole oo ay dhamestirto mashruuca sanadkii 1978.
Ujeedka biyo xereenka faanoole
ujeedooyinka laga lahaa biyo xereenka faanoole waxaa ka mid ah:
1. Koronto dhalinta
2. Waraabin beeraha
Mashrruuca biyo xireenka Faanoole waxaa barbar socdey mashruuc kale oo ahaa beersita bariis dhul gaaray ilaa 40,000 hectare ah. Somalia ayaa xiligaas ku fikireysey in ay sare u qaado wax soo saarkeeda bariiska oo markaas ku koobnaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada dhexe. Gobolada jubooyinka (jubada hoose iyo jubada dhexe )ayaa xiligas la rabey in lagu beero bariis oo mashruucan wuxuu barbar socdey mashruuca biyo xireenka Faanoole.
Dowladii Shiinaha ayaa Biyo-xireenka Faanoole dhameystirtay sanadkii 1982. Biyo xireenka Faanoole ayaa shaqo bilaabey isla sanadkaas asagoo waraabin jirey beero Bariis, Sisin iyo Caleenta shaaha.
Biyo-xireenka Faanoole waxa uu sidoo kale koronto siin jiray magaalooyinka Mareereey iyo Jilib . Waxa kale oo uu koronto siin jiray Warshadda Sonkorta Jubba oo ku taaley Mareerey ee gobolka Jubadda Dhexe. Korontada biyo-xireenka uu dhalin jiray waxa ay gaareysey ilaa 4.6 MW maalintii.
Biyo xireenka Faanoole waxa uu ka koobnaa saddex kannaal 2 ka mid ah ay marayeen bariga webiga Jubba, dherer kooda waxa uu ahaa 52 km iyo 30 km (Kanaalka Hoombooy) halka kanaalka 3aad uu marayey dhinaca galbeed ee Webiga, dhererkiisuna waxa uu ahaa 25 km oo loogu tala galey beeraha qasabka (Sugarcane) ee Mareerey.
Mashruucii kale ee beerista bariiska ee hareer socdey biyo-xireenka Faanoole ayaa isagana waxaa la beerey dhul gaaraya ilaa 5,000 oo hectare oo bariis ah, lakiin lama gaarin hadafkii guud ee ahaa 40,000 oo hectare. Bariiska ka soo baxa beerahaas waxa ay dowlada siin jirtey askarta.
MARXALADAHII KALA DUWANAA EE UU SOO MARAY MASHRUUCA BIYO XIREENKA FAANOOLE

1. 1963-dii: Waxaa la hindisey fikirka mashruucan.
2. 1963-1973-dii: Waxaa mashruucaan loo raadinayay maalgalin lagu dhaqaajiyo, farsamayaqaanno sidoo kale waxaa saameyn ku yeeshay isbadalka siyaasadeedka dalka ka dhacay.
3.1974-tii: Waxaa bilowdey dhismaha biyo xireenka.
4. 1977-dii: Waxaa istaagey mashruucii maadama dalka laga saaray midowgii suufiyeetka (USSR) kadib dagaalkii Somalia iyo Ethiopia.
5. 1978-dii: Waxaa mashruuca biyo-xireenka Faanoole la wareegtey Dowlada Shiinaha.
6. 1982- dii: Waxaa la dhameeyay dhismaha biyo-xireenka Faanoole.
Biyo xireenka Faanoole ayaa shaqeeyey intii u dhaxeysey sannadihii 1982 ilaa 1991. Waxa uuna ka mid noqdey hantidii qaranka soomaaliyeed ee ku bur burtey dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay waxaana ay qeyb ka noqotey in deymo badan lagu yeesho dalka.

Fartuunaxmed
Biyo xireenka faanoole ma laga faa iidaystay
It’s amazing to pay a visit this site and reading the views of all colleagues concerning this paragraph, while I am also keen of getting familiarity.
thanks!
Your valuable visit
A