Wararka Ciyaaraha Maanta: Inter Milan 4-3 Barcelona (Wadar: 7-6)
Inter Milan ayaa gaartay finalka Champions League markii labaad saddex sano gudahood; Davide Frattesi ayaa dhaliyay goolka guusha ee ay kaga badiyeen Barcelona; Francesco Acerbi ayaa gool barbardhac ah dhaliyay dhamaadkii ciyaarta taasoo ciyaarta gelisay waqti dheeri ah; Inter Milan waxay finalka ku wajihi doontaa PSG ama Arsenal midkood, May 31.

the player ratings from the match:
🔵 Inter Milan:
- Sommer (7)
- Dumfries (7) – 🏅 Player of the Match
- Thuram (7)
- Martinez (7)
- Acerbi (7)
- Calhanoglu (6)
- Mkhitaryan (7)
- Barella (7)
- Bisseck (6)
- Dimarco (6)
- Bastoni (6)
Substitutes used:
- Augusto (6)
- Darmian (6)
- Taremi (6)
- Zielinski (6)
- Frattesi (7)
- De Vrij (6)
🔴 Barcelona:
- Szczesny (7)
- Eric Garcia (6)
- Cubarsi (6)
- Inigo Martinez (7)
- Gerard Martin (7)
- De Jong (7)
- Pedri (6)
- Yamal (7)
- Olmo (7)
- Raphinha (7)
- Ferran Torres (6)
Substitutes used:
- Araujo (6)
- Lopez (6)
- Lewandowski (6)
- Delgado (6)
- Fort (6)
- Gavi (6)

Qaybtii hore ee ciyaarta, Inter Milan ayaa ahayd kooxda si buuxda u maamulaysay ciyaarta, iyadoo ka awood badnayd Barcelona oo u muuqatay mid la tacaaleysa cadaadiska.
Daqiiqaddii 21-aad, Inter Milan ayaa hoggaanka la wareegtay kadib markii uu Lautaro Martinez dhaliyay goolka koowaad, ciyaartana uu ka dhigay 1-0.
Kahor inta aysan qaybta hore dhamaan, gaar ahaan daqiiqaddii 45-aad, Hakan Calhanoglu ayaa u dhaliyay Inter goolkii labaad, taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-0.
Sidaas ayay qaybta hore ku dhammaatay, iyadoo Inter ay ahayd kooxda si buuxda u saraysay ciyaarta.
Markii lagu soo laabtay qaybta labaad, Barcelona ayaa soo muuqatay iyada oo beddeshay hab ciyaareedkeeda, isla markaana u muuqanaysay koox doonaysa in ay ciyaarta dib ugu soo laabato.
Daqiiqaddii 54-aad, Eric Garcia ayaa dhaliyay goolka koowaad ee Barcelona, taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-1.
Daqiiqaddii 60-aad, Dani Olmo ayaa shabaqa soo taabtay isagoo dhaliyay goolka barbardhaca, ciyaarta ayaana noqotay 2-2.
Markii la gaadhay daqiiqaddii 87-aad, Raphinha ayaa dhaliyay goolkii saddexaad ee Barcelona, taasoo ciyaarta ka dhigtay 3-2 ay Barcelona hoggaanka ku qabatay.
Si kastaba ha ahaatee, Inter Milan ayaa muujisay adkaysi, waxaana ay daqiiqaddii 90+3-aad heleen goolkii barbardhaca oo uu u dhaliyay daafaca Francesco Acerbi, taasoo ciyaarta ka dhigtay 3-3.
Ciyaarta ayaa ku dhammaatay 90-kii daqiiqo barbardhac, iyadoo lagu daray 30 daqiiqo dheeri ah si guuleyste loo helo.
Daqiiqaddii 98-aad ee waqti dheeraadka ah, Davide Frattesi ayaa dhaliyay goolka afaraad ee Inter Milan, ciyaarta ayaana noqotay 4-3 ay Inter hoggaanka ku qabatay.
Ugu dambayn, ciyaarta ayaa sidaas ku dhammaatay iyadoo Inter Milan ay iska xaadirisay finalka Champions League.
Wararka Ciyaaraha MaantaWararka Ciyaaraha MaantaWararka Ciyaaraha MaantaWararka Ciyaaraha MaantaWararka Ciyaaraha MaantaWararka Ciyaaraha Maanta
