wararka ciyaaraha maanta
Bukayo Saka, Leandro Trossard iyo Declan Rice ayaa caawiyey gunners in ay sii joogaan booska 1aad ee kala sareynta horyaalka ingriiska ee Premier League.
Kooxda Gunners ayaa furitaanka 45tii daqiiqo ee hore waxayna hogaanka u qabatay ciyaarta ka dib markii goolhayaha kooxda Bournemouth Mark Travers uu qalad ku gale Kai Havertz
Bukayo Saka ayaa si qabow kubadda shabaqa ugu hubsadey.
Arsenal ayaa daqiiqadii 70-aad sii dheereysatey hogaanka ciyaarta ka dib markii Declan Rice uu ku bad ka heley koonaha diilinta ganaaxa ee Bournemouth
Kooxda Mikel Arteta ayaa 11 shoot ku yeelatay 20-kii daqiiqo ee furitaanka ciyaarta – oo ah xidigihii ugu wada shaqeeyey kooxda Premier League xilli ciyaareedkaan .
William Saliba ayaa riboorayaal ay kooxda Travers si fiican u badbaadisay kaddib markii uu baasas la isku dhaafsaday Saka, ka hor inta uusan laacibka reer England laftiisa dadaal u badbaadin goolhayaha bournemouth.
Iska caabintii Bournemouth ayaa ugu dambayntii al jabiyey markii ciyaaryahanka ugu fiican martin Odegaard uu ku kubad fiican siiyey Havertz, kaasoo qalad kala soo goolhaye Mark Travers aalada VAR ayaa lagu xaqiijiyey penalty.
Qeybta labaad ee ciyarta
Cherries ayaa ku jira xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa abid horyaalka waxaana ay heleen dhibco gaaraya 48.
Si kastaba ha ahaatee gool ay qeybtii hore kala hormartey Arsenal ayaa ku adkaatey in ay ka soo laabtaan.
Declan Rice ayaa si wayn loogu yaqaanay tayadiisa difaaca laakiin 25-jirkaan qaab ciyaareedka uu xili ciyaareedkaan sameynayo ayaa laga yaabaa inuu u baahan yahay in qiimeyn lagu sameeyo. Waxa uu noqday weeraryahan dilaa ah oo Mikel Arteta.
Status
Player ratings
Arsenal:
Raya (7), White (7), Saliba (8), Gabriel (7), Tomiyasu (7), Partey (7), Odegaard (8), Rice (9), Saka (8), Trossard (7), Havertz (8).
Subs: Martinelli (7), Jesus (7).
Travers (7), Smith (6), Senesi (6), Zabarnyi (6), Ouattara (6), Cook (6), Christie (6), Kluivert (7), Scott (6), Semenyo (6), Solanke (6).
Subs: Billing (6), Unal (6), Faivre (6), Billing (6).
Player of the Match: Declan Rice