waraka ciyaaraha maanta
Arsenal oo guul kale oo weyn gaartey si ay laba dhibcood uga jirsato boosta koowaad ee horyaalka Premier League.
Warbixintii ciyaaraha iyo wararkii ugu dambeeyay oo Arsenal ayaa 6-0 ku xasuuqday Sheffield United; Gunners ayaa shan gool ku hormartay qeybta hore ee ciyaarta waxaana u kala dhaliyay Martin Odegaard, gool uu iska dhaliyay Jayden Bogle, Gabriel Martinelli, Kai Havertz iyo Declan Rice; Ben White ayaa ciyaarta soo galay qeybtii labaad
Arsenal ayaa Sheffield United ku dartay liiska kooxaha la xasuuqay iyada oo Gunners ay 6-0 ku garaacday kooxda Chris Wilder si ay dib ugu soo laabato masaafo yarna u jirtsato kooxaha ay horyaalka ku xafiiltamayaan ee Liverpool iyo Manchester City.

Ka dib markii ay 6-0 ku garaacday West Ham iyo Burnley 5-0 kulamadii ugu dambeeyay ee ay marti ahaayeen, Gunners ayaa iska heshay shan gool qeybtii horeba.
Waxa ayna kala dirty mucaradka oo uu gambar ugu yaaley ciyaartan kana war sugaaye natiijada ciyaarta.
Waxaa Farxad dheeraad u ahayd Arsenal in Thomas Partey, Gabriel Jesus iyo Fabio Vieira ay ka soo laabteen dhaawacyo si ay sii kordhiyaan awooda tiimka, laakiin Gabriel Martinelli ayaa dhaawac walaac leh ka soo gaaray qeybtii labaad.

22 jirkan ayaa ka qayb qaatay guushii cajiibka ahayd ee ay kooxdiisu ku gaadhay Bramall Lane isaga oo dhaliyay goolkii 3-aad ee ciyaarta xilli ay Arsenal ilaashatay booskeeda tartanka horyaalka premier League.
Martinelli ayaa dhaliyay goolkiisii 8-aad ee xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan isaga oo goolka ku dhaliyay daqiiqadii 15-aad ee ciyaarta, laakiin markii dambe ayaa dhaawac looga saarey ciyaarta.
Arsenal oo haatan dhalisay 31 gool 7dii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka – ayaa hogaanka Premier League sii qaban kara haddii ay gurigooda ku garaacaan Brentford sabtida soo aadan, ka hor inta aysan wada ciyaarin Liverpool iyo Manchester City. maalinta xigta ee Super Sunday. Sheffield United, oo aragtay taageereyaal ka tagay Bramall Lane ka dib markii ay Arsenal dhalisay goolka seddexaad 15 daqiiqo, ayaa weli ku jirta booska ugu hooseeya ee liiska kala sareynta ayadoo 13 dhibcood oo kaliya ka heshey 27 kulan ay ciyaareen iyo farqiga goolasha oo ah -50.