Hordgac
Soomaaliya waxa ay ka kooban tahay 18 gobal, gobalka hiiraan waa mid ka mid ah gobalada dalka, qormadaan waxa aan si faafaahsan uga hadli doonnaa gobalka hiiraan.
Location
Halka uu dhoco gobalka hiiraan

Gobalka hiiraan waxa uu ku yaalaa bartamaha soomaaliya, gobalka hiiraaan waxa uu xuduud la wadaagaa gobalada kala ah: shabeelada hoose, shabeelada dhexe, bay, bakool, mudug iyo somaali galbeed (gobalka ismaamulka soomaalida ee itoobiya).
Magaalo madaxda
Magaalo madaxda gobalka hiiraan waa magaalada baladweyne, baladweyne waa magaalo weyn oo ilbaxnimo hore leh.
Magaalada baladweyne waxa ay magaalada muqdisho ee caasimada dalka u jirtaa masaafo lagu qiyaaso 330 ilaa 340km.
Baladweyne waa magaalo weyn oo quruxsan waxay ay ka kooban tahay xaafado dhowr ah oo ay ka mid yihiin: Oktober, Raadeer, Xaawo taako, Howlwadaag iyo kooshin.
Nolosha iyo dhaqalaha dadka ku nool magaalada badadwene waxa ay ku tiirsan tahay wax soosaarka beeraha iyo dhaqashada xoolaha.
Waxyaabaha ay magaalada ku gaarka tahay waxaa ka mid ah in uu dhex maro mid ka mid ah labada webi ee dalka kaasoo ah webiga shabeelle. Inkastoo ay tani keeneyso qurux, bilic iyo qeyraad hadana waxaa barbar socda dhibaatooyin iyo halis ka dhalata fatahaadaha uu webiga sameeyo xilliyada qaar, taas oo keenta dhibaato naf, maal iyo barakac isugu jirta.
sido kale Magaalada waxaa ku yaala buundooyin lagu kala Magacaabo Buundoweyn iyo Liiq-liiqato.
Degmooyinka gobalka hiiraan
Gobalka hiraan waxa uu ka kooban yahay degmooyin badan waxaa ka mid ah:
Beledweyne, jalalaqsi, Buulo burde, Buq-aqable Halgan, Booco, maxaas, mataan, ceel-cali, moqokori iyo Farlibax.
Bulshada ku dhaqan gobalka hiiraan
Bulshooyin kala duwan ayaa ku dhaqan gobalkan hiiraan iyo magaalooyinkiisa kala duwan waxaana ay isugu jiraan ganacsato, beeraleey iyo xoolo dhaqato, waxaa jira tiro yar oo kalluumeysato ah oo ka soo jallaabta webiga shabeele maadaama aanu gobalka xuduud toos ah la laheyn badda.
Dhaqaalaha iyo Waxsoosaarka gobalka
Gobalka hiiraan waxa uu ka mid yahay gobalada ugu dhaqaalaha wanaagsan dalka soomaaliya.
Gnacsiga:
Gobalka waxa uu xudun u yahay badeecada ganacsi ee u kala gooshta gobaladda dhexe ee dalka, waxaana uu leeyahay ilbaxnio ganacsi oo fog, magaalada baladweyne ayaa ah xarunta ganacsiga ee gobalka hiiraan waxaana ka jira noocyo kala duwan oo ganacsiyo ah sida xoolaha, dalagyada beeraah iyo badeecada kale ee ka timaada dalka dibadiisa.
Gobalka hiiraan waxa uu ka mid yahay gobalada uu ka jiro horumarka iyo kobaca dhaqaale ee sanadihii ugu dambeeye, waliba marka ay noqoto xagga wax soo saarka beeraha.
Wax soo saarka beeraha:

Madaama uu gobalka maro webiga shabeele, waxa uu caan ku yahay waxsooraaska beeraha, tiro badan oo ka mid ah bulshada ku dhaqan gobalka hiiraan waa beeraleey,
Dalagyo kala duwan oo isugu jira khudaar, haruurka noocyadiisa kala duwan iyo miraha ayaa laga soo saaraa gobalka, marka aad tagto magaalada baladweyne ee caasimada gobalka hiiraan waxaad arkeysaa oo indhahaagu qabanayaan noocyo kala duwan oo dalagyo ah kuwaasi oo laga soo saaro beeraha gobalka hiiraaan sida muuska, cambaha,qaraha, basasha iwm.
Marka laga reebo isticmaalka gobalka inta badan dalagyada waxaa loo iib geeyaa gobalada kale ee dalka sida mudug, galgaduud, waqooyi galbeed iyo gobalka Bari.
Taasi waxa ay ku tuseysaa in gobalka uu hormar muuqda ka sameynaayo dhinaca waxsoosaarka dalagyada maadaama markii hore looga keeni jirey gobalada koonkureed ee dalka.
Xoolaha:

Gobalka hiraan waxa uu ka mid yahay gobalada ku caanka ah dhaqashada xoolaha maadaama uu gobalka leeyahay keymo waaweyn iyo dhuldaaqsin ballaaran, bulshooyin kala duwan oo dhaqda noocyada kala duwa ee xoolaha sida lo’da, geela Riyaha iyo idaha ayaa ku nool gobalka hiiraan.
Gobalka hiiran waxa uu ka mid yahay gobalada laga qaado xoolaha loo iib geeyo dalka dibadiisa, waxaa inta badal laga dhoofiyaa dekeda boosaaso ee gobalka bari iyo dekeda Berbera waxaana loo iib geeyaa wadama sacuudiga iyo imaaraadka.
FAQs
Gobolka hiiraan waa imisa degmo?
gobalka hiran waxa uu ka kooban yahay ilaa iyo 12 degmo oo ay ku jiraan Beledweyne, jalalaqsi, Buulo burde, Buq-aqable Halgan, Booco, maxaas, mataan iyo ceel-cali iyo moqokori.
qabiilada dega gobolka hiiraan?
beelaha dega gobalka hiiran waxaa ka mid ah beelaha gaaljecel, xawaadle, ujeejeen, jijeele iyo baadi cadde.
xaafadaha baladweyne
baladweyne waxa ay ka kooban tahay ilaa 8 xaafadood waxaa ka mid ah:Oktober, Raadeer, Xaawo taako, Howlwadaag iyo kooshin.
tuulooyinka gobolka hiiraan
waxaa ka mid ah : Beerayabaal, beer gadiil, Feerfeer, Coomaad, Lafweyn, Halgan, Buurweyn, Jinbilley iyo kuwo kale oo badan.
Pingback: Gobalka banaadir | 2024