Wararka Ciyaaraha maanta
Arsenal ayaa guul muhiim u ahayd ka gaartey kooxda Brentford ciyaar ka tirsan horyaalka ingiriiska (English premier league)
Declan rice ayaa goolka furitaan ee ciyaarta u dhaliyey kooxda arsenl daqiiqadii 19, kaasoo ay hogaanka ciyarta ku qabtey.

Kai Havertz ayaa dhamaadkii ciyaarta dhaliyay goolka guusha ee ay Arsenal 2-1 kaga badisay Brentford gurigeeda si ay Gunners hogaanka ugu qabato Premier League.


Tababaraha Bees Thomas Frank ayaa aaminsan in Havertz, oo hore u qaatay kaarka jaalaha, ay ahayd in la siiyo jaale labaad oo casaan ah ka hor inta uusan goolka dhalin.

Weerar yahanka reer Jarmal ayaa hore u qaatay jaale, ciyaartoyda Brentford Ivan Toney iyo Vitaly Janelt ayaa ku andacoodey garsoore Rob Jones in Havertz ay aheyd in la siiyo kaarka cas iyadoo tababare Frank uu si weyn u aaminsan yahay in karaka casaanka ah la siiyo uu ahaa go’aan sax ah.
Arsenal ayaa qaybtii danbe ee ciyaarta doonaysay in ay hesho goolka guusha kadib markii uu Aaron Ramsdale uu qalad xun ku galay isla markaana uu Brentford u dhaliyay goolka barbaraha isaga oo dhaliyay goolkii ugu danbeeyay ee qaybtii hore ee ciyaarta.
Inkasta oo uu khaladku dhacay haddana Ramsdale ayaa ku jawaabay in uu badbaadino muhiim ah ka sameeyay xidigaha Brentford ee Toney iyo Collins qaybtii labaad – iyadoo macalinka Arsenal ee Mikel Arteta uu ammaanay goolhayihiisa labaad, kaasoo keydka ugu jira dooqa koowaadee ee Arteta David Raya.
Laacibkii hore ee Arsenal iyo England Karen Carney, oo ciyaarta falanqeeye ka ah Sky Sports, ayaa aaminsan in Wissa uu ku dhiiraday inuu si dhaqso ah u xiro Ramsdale si ka badan sidii uu sameyn lahaa haddii saaxiibkiisii hore ee Raya uu ciyaari lahaa.
Tartanka u dhexeeya kooxaha Arsenal, Liverpool iyo City ayaa ah mid aad u adag, waxaana la dareemaya in mar kasta oo saddexda kooxood ee tartanka ku jira midkood uu dhibco lumiyo, gaar ahaan marka ay gurigooda ku ciyaaraan ay go’aamin karto halka uu u socdo koobka Premier League.
Si kastaba ha ahaatee kooxda arsenal ayaa guul muhiim u ahayd ka gaartey gurideeda taasoo ka dhigtey in ay si ku meel gaar ah u sii qabato hogaanka horyaalka ingiriiska, ka hor ciyaarta dhex mari doonta kooxaha Liverpool iyo Manchester city.